“Sergio Aguero waa ciyaaryahan aad u fiican, wax badan ayuu iga caawiyaa”

(Premier League)  15 Jan 2019. Kooxda Manchester City ayaa ku xasuuqday dhigeeda Wolverhampton 3-0 kulankoodii 22-aad horyaalka Premier League ay xalay ku wada ciyaareen Etihad Stadium.

Goolasha kooxda Manchester City ayaa waxay ka heshay xidigaha kala ah Gabriel Jesus oo 2 gool ah iyo Conor Coady.

Image result for Aguero and Jesus

Gabriel Jesus ayaa kadib ciyaarta wareysi uu ku bixiyay shabakada Sky Sports wuxuu ku muujiyay dareenkiisa sida uu ugu faraxsan yahay guusha uu ku hogaamiyay kooxdiis Manchester City, iyo sida uu Aguero xili kasta u caawiyo.

“Sergio Aguero waa ciyaaryahan aad u fiican, wax badan ayuu iga caawiyaa, marka uu ciyaarayo, sidoo kale wuxuu caawiyaa kooxda oo dhan”.

“Waxaan jeclahay in mar walba ee aan ciyaarayo inaan anigana caawiyo saaxiibadey”.

“Waxaan haatan u ciyaarayaa si ka fiican sidii horey, waxaana dhalinayaa goolal, taasi waxay muhiim u tahay aniga, sababtoo ah waxaan ahay weeraryahan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close