RASMI: Manchester City oo Gacanta ku soo dhigtay Saxiixeedii ugu horreeyay ee Suuqa bishan Janaayo….(Magaciisa iska sii baro)

(Europe) 15 Jan 2019. Kooxda xafidaneysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa gacanta ku soo dhigtay saxiixeedii ugu horreeyay ee suuqan Janaayo kaddib markii ay la soo wareegtay xiddiga reer Japan ee Ko Itakura.

Kooxda Guardiola ayaa 21-jirka kala soo wareegtay naadiga Kawasaki Frontale waxayna amaah ku siyeen kooxda Groningen  ee ka dhisan Holland iilaa dhammaadka kal ciyaareedka soo socda.

Laacibka qadka dhexe ayaa sidoo kale ka ciyaari kara daafaca dhexe, wuxuuna xaq u heli doonaa inuu ku dagaalamo booskiisa City marka uu ka soo laabto amaahda uu ku aaday Holland.

 City have signed Ko Itakura

Manchester City ayaa u muuqata inay ku hungowday saxiixa laacibka reer Holland ee naadiga Ajax De Jong kaa oo sidoo kale ka ciyaari kara qadka dhexe iyo daafaca dhexe sidaa darteed ay u weecatay dhanka Itakura.

De Jong ayaa la sheegayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda PSG.

 Ko Itakura has played for Japan's Under-21 side

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close