Maxamed Saalax oo MATXAF loo dhisayo….(Maxay tahay SABABTA?)

(Egypt) 15 Jan 2019. Maxamed Saalax ayaa Matxaf loo dhisayaa si loogu dabaal dego guulaha uu la gaarayo kooxda Liverpool iyo xulka qarankiisa Masar.

Waziirka Ciyaaraha Masar  Ashraf Sobhy ayaa daaha ka rogay inuu wado qorshe Madax lagu maamuusayo Saalax laga dhisi doono Gezira Youth Centre ee magaalada Qaahira.

Maxamed ayaa usbuucii tagay ku guuleystay laacibka sanadka ee Afrika sanadii labaad oo xiriir ah wuxuuna wax ka hayaa gool dhalinta Premier League ee kal ciyaareedkan.

“Lama filaanka aan Maxamed Saalax u diyaarinayay waa dhismaha Madax xambaarsan Magaciisa oo laga dhisayo the Gezira Youth Centre ee magaalada Qaahira,” Waziirka ayaa sidaa yiri.

“Saalax wuxuu sameynayaa bandhig aad u fiican kooxdiisa Liverpool iyo xulka qaranka.

Salah is to have a museum built in his honour Egypt

“Dhammaan reer Masar way ku faraxsan yihiin guulihiisa.

“Waxaan rajeynayaa in ku guuleysigiisa laacibka sanadka ee Afrika ay sare u qaadi doonto inuu sii wado guulihiisa, isla markaana uu keeni doono bandhigyo kale oo badan dhanka heerka kooxeed iyo midka xulka koobka qaramada Afrika ee furmi doona bisha June ee soo socota.”.

Maxamed Saalax oo Final ka Champions League gaarsiiyay Liverpool ka ciyaareedkii tagay ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 17-gool dhammaan tartamada oo 14- ka mid ah wuxuu ka dhaliyay Premier League.

Wiilka reer Masar ayaa doonaya inuu Reds ka caawiyo inay ku guuleysato horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay tan iyo 1990-kii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close