Klopp oo la kulamay wararkii ugu xumaa kahor kulanka soo aadan ay ciyaari doonto kooxda Liverpool

(Liverpool) 15 Jan 2019. Wargeyska “The Times” ee dalka England ayaa xaqiijiyay goor dhow ee maanta oo Talaado ah in difaaca Alexander-Arnold uu garoomada ka maqnaan doono mudo aan ka yareen 4 Todobaad, sababa la xiriira dhaawac.

Wargeyskan ayaa sheegay Alexander-Arnold uu dhaawac ka soo gaaray dhanka Jilibka, inta lagu gudi jiaray kulnkii ugu dambeeyay ay Liverpool ka ciyaartay horyaalka Premier League.

Paul Joyce oo ah wariye u shaqeynayay The Times, ayaa xaqiijiyay in Alexander-Arnold uu maanta baaritaano caafimaad ku maray xerada tababarka ee kooxda Liverpool, taasoo xaqiijisay inuu maqnaanayo ugu yaraan mudo dhan hal bil.

Georginio Wijnaldum ayaa dhankiisa dhaawac dhanka jilibka ah ka qaba kooxda Liverpool, laakiin sida la fahansan yahay halis uma ahan sida dhaawaca soo gaaray saaxiibkiis Alexander-Arnold.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close