KA BOGO: Koobabka uu ku guuleystay iyo Rikoodhadii Gaarka ahaa uu sameeyay Goolhaye Petr Cech kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu Ciyaaraha ka fariisanayo….+SAWIRRO XUL AH

(England) 15 Jan 2019. Rugcadaaga Premier League Petr Cech ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo kubbada cagta marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan kaddib 20-sano uu ilaaliye ka ahaa shabaqa goolka.

36-jirka Arsenal ee waqtiga qurxoon la soo qaatay Chelsea ayaa doonaya inuu koob kale ku guuleysto ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan dhammaadka kal ciyaareedkan.

Haddaba halyeyga xulka Czech  ayaa guud ahaan ku guuleystay 18-koob oo 4-jeer ayuu qaaday Premier League 15-sano uu ku sugnaa horyaalka Ingiriiska.

5-jeer ayuu ku guuleystay FA Cup, 3-jeer League Cup, Community Shield 4-jeer iyo min hal jeer uu ku guuleystay Europe League iyo Champions League.

Goolhaye Cech ayaa sidoo kale Premier League u qoray 4-Rikoodh oo aysan Cidna la wadaagin.

  1. Waa Goolhayaha kulamada ugu badan shabaqiisa ilaashaday 202-kulan.
  2. Waa Goolhayaha kulamada ugu badan shabaqiisa ilaashaday hal xilli ciyaareed 24-kulan.
  3. Waa Goolhayaha kulamada ugu yar ku gaaray 100-kulan oo shabaqa la ilaashado oo wuxuu rikoodhkaas ku gaaray 180-kulan.
  4. Waa Goolhayaha heysta Rikoodhka daqiiqada ugu badan ee isku xiga oo aan wax gool ah laga dhalin 1025-daqiiqo.

DAAWO SAWIRRO XUL AH:

 Petr Cech will go down as a Chelsea legend for his services to the club

 The Czech international holds the Europa League aloft

 Petr Cech won the Champions League in 2012

 Petr Cech has enjoyed a trophy-laden 15 years in England

 Arsenal and Chelsea fans remember the stopper forndly

 Petr Cech has won four Premier League titles after 15 years in England with Chelsea and Arsenal

 Petr Cech celebrates after winning his fifth FA Cup and fourth with Arsenal

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close