Ilaa goorma ayuu Garoomada ka maqnaanayaa Harry Kane???

(Tottenham) 15 Jan 2019Kooxda Tottenham Hotspur ayaa ku dhawaaqday faafaahinta dhaawacii Harry Kane ka soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii Manchester United ay ku wada ciyaareen horyaalka Premier League Axadii lasoo dhaafay.

Tottenham Hotspur ayaa ku daabacday website-keeda rasmiga ah iyo sidoo kale bogagga Facebook iyoTwitter-ka, warbixin rasmi ah ay ku cadeeneyso in Harry Kane uu dhaawac kasoo gaaray lugta bidix ee canqawga.

Kooxda Spurs-ka ayaa warbixinteedan rasmiga ah ku xaqiijisay in Harry Kane uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan lix isbuuc, waxaana la filayaa in tababarka kooxdiisa uu dib ugu soo laabto horaanta bisha Maarso ee soo aadan.

Harry Kane ayaa la kulmay waqti aad u xun isaga iyo kooxdiisa, maadaama uu loolan adag kula jiray gooldhalinta horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkaan, xidigaha Mohamed Salah iyo Aubameyang.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close