Goolhaayaha kooxda Liverpool oo fariin qiiro leh u diray dhigiisa Petr Cech

(Premier League) 15 Jan 2019. Goolhaayaha reer Czech iyo kooxda Arsenal ee Petr Cech ayaa wuxuu ku dhawaaqay in kubada cagta uu ka fariisanayo dhamaadka xili ciyaareedkan.

Petr Cech ayaa ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka fariin uu ku xaqiijinayay inuu ka fariisanayo ciyaarista kubada cagta kadib mudo dhan 20 sano uu garoomada ku soo dhex jiray.

Image result for Simon Mignolet and Petr Cech

Hadaba goolhayaha kooxda Liverpool Simon Mignolet ayaa ugu hambalyeeyay bartiisa Twitter-ka goolhaayihii hore kooxda Chelsea ee Petr Cech waayihiisa cajiibka ah ee kubda cagta, isaga oo tilmaamay inuu isku dayayo in waxyaabo badan uu kaga daydo isaga.

Fariinta qiiraha badan ee Simon Mignolet uu u diray goolhaayaha reer Czech iyo kooxda Arsenal ee Petr Cech ayaa u dhigneyd sida tan:

“Hambalyo xirfadaada cajiibka ah ee caalamka kubada cagta, mar walba waxay ahayd tusaale aad u wanaagsan, nasiib wacan ayaan kuu rajeenayaa mustaqbalka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close