Garoonka Man United ee Old Trafford oo maaro looga la’yahay KAADI iyo Shaqaalaha oo bilaabay inay Kumbiyuutrada Xafiisyada ku daboolaan Bacaha Kaadida la isaga dhigo….(Sidee wax u jiraan!!!??)

(England) 15 Jan 2019. Saraakiisha garoonka Manchester United ayaa la dagaalamaya sidii ay u xakameyn lahaayeen Kaadi ka soo daadaneysa musqulaha raga.

Dhibaato gaartay musqulaha Old Trafford horaantii xilli ciyaareedkan oo ay sababeen taageerayaasha Dibadda ‘away’ ga ah ayaa keentay inay biyo iyo kaadi ku soo difqaan xafiisyada hoose ee kooxda.

Shaqaalaha garoonka lagu naaneyso Masraxa Riyada ayaa ku qasbanaaday in Bacaha loo dhigo kaadida ‘Bambiirooyin’ u dhigaan Kumbiyuutrada xafiisyada hoose si aysan u wax yeeleyn kaadida kor ka soo difqaysa.

Ilo wareedyo laga helay Old Trafford ayaa lagu yiri:

Man United staff have been forced to protect computers from a toilet leak at Old Trafford

“Ma ahan muuqaal fiican ama Ur fiican, inaad ku soo laabato shaqada si aad u aragto qalabkaaga oo ay Kaadi qoysay.

“Iska iloow Masraxa Riyada, Xafiisyada ay Kaadida qoysay ayaa ka sii dhigaya Masraxa Qarowga.”.

Yeelkeede, Sportsmail ayaa fahansan in la xaliyay howshaasi isla markaana ilaa iminka aysan jirin wax kaadi ah oo kor ka soo difiqday ama ka soo daadatay. Inkastoo ay jariiradda intaa ku dareyso in Bacaha Kaadida ay diyaar yihiin kuwaa oo ka hor-tag ahaan loo isticmaali doono.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close