Zlatan Ibrahimović oo dhaleeceeyay Cristiano Ronaldo kadib ku biiristiisa kooxda Juventus

(Yurub) 14 Jan 2019. Weeraryahankii hore xulka qaranka Sweden ee soo maray kooxo ay ka mid yihiin PSG, Manchester United ee Zlatan Ibrahimović ayaa eedeyn u jeediyay xidiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Eedeynta Zlatan Ibrahimović uu u diray laacibkii horey Real Madrid Cristiano Ronaldo, ayaa sabab u ah kadib markii uu ku biiray kooxda Juventus suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

Zlatan Ibrahimović ayaa su’aal ka keenay ku biirista Cristiano Ronaldo kooxda Juventus ee xiligaan wuxuu yiri:

“Muxuu Cristiano Ronaldo ugu biiri waayay kooxda Juventus dhoowr sano ka hor, marka ay qeybta ka ahayd kooxaha heerka labaad, sidaas darteed ku biiristiisa xiligan marna laguma tilmaami karo loolan”.

“Ma noqon kartid geesi, hadii aadan u dhaqaaqin kooxda iyadoo ku jirta heerka labaad, isla markaana aadan ku hogaaminin inay gaarto heer sare, taasi ayaa lagu tilmaami karaa loolan”.

“Waa wax xiiso leh, u dhaqaaqista kooxda Juventus, balse marna ma noqon karo loolan sida uu sheegay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close