“Waxaan dareenay niyad jab kadib guuldaradii Manchester City” – Alexander-Arnold

(Liverpool) 14 Jan 2019. Difaaca reer England iyo kooxda Liverpool Alexander-Arnold ayaa ka hadlay xaalada ay haatan ku sugan tahay Reds, kadib guushii ay kaga gaareen kooxda Brighton kulankii horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay wadada guulaha, kadib markii 1-0 ay kaga badiyeen kooxda Brighton, kulankoodii 22-aad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Reds ayaa kala soo kulantay laba guuldaro xiriir ah, kooxaha Manchester City iyo Wolverhampton ee kala ah tartamada horyaalka Premier League iyo FA Cup.

Hadaba difaaca reer England iyo kooxda Liverpool Alexander-Arnold ayaa wuxuu qirtay dareen ahaan sida uu u niyad jabay isaga iyo saaxiibadiis, kadib guuldaradii Manchester City wuxuuna yiri:

“Waxaan dareemeynaa niyad jab kulamada barbaro ama guuldaro aan la kulano, muhiimadeena xili kasta waa guul, si walba ay xaalada noqoto iyo koox kasta ay ahaato”.

“Inkastoo kulankii Brighton uu ahaa mid aad u adag hadana waxaan dareenay farxad, kadib markii aan dib ugu soo laabanay wadada guusha, mar walba waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno guulaha”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close