“Waxaad dishaa kubada cagta” – Saaxiibka qaaska ah ee Isco oo fariin adag u diray tababare Solari

(Real Madrid) 14 Jan 2019. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu soo bandhigay fariin kaga timid Santiago Solari mid ka mid ah saaxiibada Francisco Isco, wuxuuna ku eedeeyay inuu yahay mid dila kubada cagta, sababa la xariira in Isco uusan ka qeyb qaadanin kulankii xalay.

Khadka dhexe reer Spain ayaa ku qaadanya garoonka Santiago Bernabéu waayihiisii ugu xumaa, gaar ahaan tan iyo markii uu shaqada tababarka la wareegay Santiago Solari.

Santiago Solari ayaan ku tiirsaneyn inta badan adeega Francisco Isco, isagoo fursad u siiya inuu ciyaaro daqiiqado yar  oo kaliya.

Itur Costa ma ahan kliya saaxiibka Francisco Isco, balse waxaa kala dhexeeya xiriir saaxiibtinimo ee kaga xoogan ciyaaryahan kasta ee ku sugan kooxda Real Madrid.

Hdaba saaxiibka Francisco Isco ee Itur Costa ayaa ku soo qoray fariin aad u adag ee ku socota tababare Santiago Solari, bartiisa rasmiga ah ee Instagram-ka wuxuuna yiri:

“Adiga – Solari – waxaad dishaa kubada cagta, waxaad sameeneyso xiligan ma ahan wax la sharxi karo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close