Safka ay Caawa ku soo gali karto Manchester City iyo waliba Saacada la daawan doono

(Manchester) 14 Jan 2019. Manchester City oo Maanka ku heysa in Liverpool ay guul gaartay ayaa caawa mininkeeda Etihad Stadium ku marti galin doonta kooxda Wolverhampton Wanderers.

Guardiola iyo xertiisa ayaa 7-dhibcood iminka u jira Reds, balse haddii ay guuleystaan kulanka caawa afar dhibcood ayay u jirsan doonaan hogaanka.

City ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta tan iyo sidii ay uga soo adkaatay Liverpool oo labadii kulan ee ka dambeeyay ee FA Cup iyo Carabao Cup waxay ku soo kala adkaadeen 7 iyo 9-gool.

Haddaba Man City ayaa caawa marka ay saacada dhankeena tilmaameyso 11:00 habeenimo la ciyaari doonta Wolverhampton iyadoo dooneysa inay soo yareyso farqiga dhibcaha ee Liverpool.

EEG safka ay ku soo gali karaan Manchester City:

Man City team news predicted line up Wolves

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close