Guardiola oo fariin u diray De Bruyne, kadib falkii xumaa uu sameeyay inta lagu gudi jiray kulankii Burton

(Manchester) 14 Jan 2019. De Bruyne ayaa banaanka soo dhigay caradiisa kulankii ugu dambeeyay ay ciyaartay kooxda Manchester City, taasoo soo jiidatay warbaahinta gudaha dalka England.

Waxaa iska cadeed in Kevin De Bruyne uu si xoogan u doonayay inuu dhameysto ciyaarta, kahor inta uusan badal ku saarin Pep Guardiola.

Manchester City ayaa ku garaacday 9-0 Burton kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Carabao Cup, kahor inta uusan De Bruyne si carol leh kaga bixin ciyaarta, kadib markii uu badal ku saaray tababare Pep Guardiola.

Pep Guardiola ayaa mar wax laga weydiiyay fal celintii uu sameeyay De Bruyne kadib markii uu ciyaarta ka saaray wuxuu kag jawaabay:

“Ma garanayo waxa dhacay, ilama hadlin aniga, sidaas darteed ma aqaano waxa dhacay”.

“Hadii ay jirto Kevin De Bruyne dhibaata igala dhexeysa wuu ka war qabaa halka aan joogo, ma aanan la hadlin markan, mana awoodo inaan sheego waxa ku jira qalbigiisa”.

Guardiola ayaa dhowr jeer ee horey sheegay in ay muhiim tahay in kooxdiisa ay si fiican u ciyaarto, si loo hubiyo arintaas in ciyaartoyda ay si joogto ah u ciyaaraan.

“Waxaan qabaa in ciyaartoyda oo dhan ay si fiican kaga war qabaan arintaas”.

“Laakiin mararka qaarkood way ogyihiin inay fiican tahay, marka ay fadhiyaan kursiga keydka”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close