“Frank Lampard wuxuu ii yahay Tusaale fiican, waana ku raaxeysanayaa kubbada cagta…”.-

(Manchester) 14 Jan 2019. Xidiga khadka dhexe kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa si weyn u amaanay booska uu kaga ciyaaro haatan qorshaha tababaraha ku meel gaarka ee kooxda Red Devils Ole Gunnar Solskjær, si ka duwan Jose Mourinho.

Man united ayaa gaartay guushii shanaad xariir ah ee horyaalka Premier league kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen kooxda Tottenham Hotspur.

Shabakada “BBC” ayaa soo xigatay wareysi uu bixiyay Pogba kadib ciyaartii adkeyd ay la ciyaareen kooxda Tottenham Hotspur wuxuuna yiri:

“Hada waxaan ku raaxeystaa kubada cagta, waxaan jeclahay inaan in badan weerartamo”,

“Waxaan horey u ahaa mid u badan dhanka difaaca, mana ahayn qaab ciyaareedkeyga ugu fiican, balse haatan waxaan ka ciyaarayaa booskeyga saxda ah”.

“Macalinka ayaa ii sheegay inaan si xoogan u galo xerada ganaaxa isla markaana aan dhaliyo goolal, tusaalaha ugu weyn ayaana ah Frank Lampard”.

Si kastaba Pogba ayaa awooday kulankan inuu caawiyo goolka kaliya ay xalay guusha kaga gaareen kooxda Tottenham Hotspur, kaasoo uu dhaliyay Marcus Rashford qeybta hore ee ciyaarta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close