Tababare Solskjær oo ugu baaqay saaxiibkiis horey in uu tababar la qaato kooxda Manchester United

(Manchester)  13 Jan 2019. Tababaha ku meel gaarka ah ee kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa ugu baaqay saaxiibkiis horey ee Red Devils Giuseppe Rossi, inuu tababarka la sameeyo United-ka xiliyada soo aadan.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Manchester United ay u ogolaan doonto Giuseppe Rossi inuu tababar la sameeyo Red Devils, xili uu raadinayo ninkan koox cusub uu ka shaqo bilaawo, kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa mudooyinkii lasoo dhaafay.

Giuseppe Rossi ayaa ku biiray kooxda Manchester United sanadii 2004-tii isagoo 17 jir ah, wuxuuna kasoo muuqday kooxda 14 kulan uu kasoo hoos ciyaaray Sir Alex Ferguson.

Rossi ayaa ka mid ahaa saaxiibada dhow ee Ole Gunnar Solskjær marka loo fiiriyo xidigha ku sugnaa kooxda Manchester United ee xiligaas.

Giuseppe Rossi ayaa waayihiisa kooxda Manchester United wuxuu dhaliyay 4 gool oo kaliya, kahor inta uusan sanadii 2007 ku biirin kooxda reer Spain ee Villarreal.

Rossi ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay kooxda Villarreal, wuxuu u dhaliyey 32 gool 56 kulan uu u ciyaaray ka hor inta uusan soo gaarin dhaawac halis ah uu garoomada kaga maqnaa in ka badan hal sano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close