“Lionel Messi waa kan ugu fiican taariikhda kubada cagta” – Eden Hazard

(Chelsea) 13 Jan 2019. Xidiga khadka dhexe reer Belgium iyo kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa qarsan kari waayay sida uu u jecel yahay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Eden Hazard waxyaabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa:

“Ma dhihi karno waxaa jirta laba ciyaaryahan ee ugu fiican taariikhda kubada cagta, kaliya waxaa jira hal ciyaaryahan waana Lionel Messi”.

Intaas kadib laacibkan ayaa waxaa dib loo xasuusiyay kulankii ay Barcelona kula soo ciyaareen tartanka Champions League xili ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuuna kaga jawaab celiyay:

“Ma ahayn xusuustaydii ugu fiicneyd sanadkii tagay ee 2018, laakiin waan ku faraxsanahay inaan wajahay Lionel Messi iyo kooxda reer Catalonia, laakiin waxay sheekada ku dhamaatay ugu dambeyn si niyadjab ah, sababtoo ah Blues waxa ay macsalaameysay tartanka”.

“Waxaan heystaa seddex caruur ah waxay joogeen Stamford Bridge, kan ugu weyn wuxuu si weyn taageere ugu yahay Lionel Messi, laakiin dhamaanteen waan jecelnahay waana wada taageernaa isaga, waxaan doonayay inaan arko isaga oo ciyaaraya kulankaas sababtoo ah, waa ciyaaryahan qaas ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close