Lionel Messi oo TAARIIKH aan cidi uga horreyn ka dhigay La Liga balse weli waxaa ka horreeya Cristiano Ronaldo…..(Sidee?)

(Spain) 13 Jan 2019. Lionel Messi ayaa horyaalka Spain ee La Liga ka dhigay Taariikh aan cidi uga horreyn kaddib goolkii uu ka dhaliyay Eibar ciyaartii ay dhawaan 3-0 uga adkaadeen.

Suarez ayaa labo dhaliyay halka goolka kale uu dhaliyay kabtanka xulka Argentina iyo Barcelona ee Lionel Messi taa oo micno gaar ah u sameysay.

Wuxuu noqday laacibkii ugu horreeyay ebid Taariikhda oo 400 oo gool ka dhaliya La Liga.

Laakiin Messi weli waxaa ka Sarreeya Cristiano Ronaldo oo wuxuu noqday laacibka labaad oo gaara 400-gool taariikhda 5-ta horyaal ee ugu waa Wayn Yurub oo Ronaldo ayaa ka horreeyay 409-gool, laakiin kulamada waxaa yar Messi 63-kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close