HORDHAC: Tottenham v Manchester United

( Premier League ) 13 Jan 2019. Tottenham ayaa soo dhaweyn doonta Manchester United kulamada 22-aad ee Premier League todobaadkan.

Kooxda Solskjaer ayaa mari doonta tijaabada ugu adag tan iyo markii uu leyliyaha cusub qabtay naadiga kaddib markii ay badiyeen shan kulan oo xariira dhammaan tartamada.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 07:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Mike Dean

Garoonka: Wembley Stadium

Wararka Kooxaha

Tottenham ayaa soo dhaweyn doona inta badan safka kowaad ee kooxdeeda, markii siddeed badal ay shaxdooda ku sameeyeen kulankii guusha weyn ay koobka FA Cup ka gaareen Tranmere.

Eric Dier ayaa weli ka maqan kaddib markii qaliin looga sameeyay qabsinka iyo Lucas Moura oo dhaawac shaki ah qaba, laakiin Mousa Dembele iyo Jan Vertonghen ayaa kusoo laabtay tababarka.

Paul Pogba ayaa diyaar u ah Manchester United kaddib markii uu seegay kulankii wareega seddaxaad ee koobka FA Cup sababo dhibaato lugta ah.

Eric Bailly weli waa ganaax, halka Chris Smalling laga yaabo inuu mqnaando kulankii todobaad oo xariira madaama uu qabo dhaawac cagta ah.

Marcos Rojo ayaa kasoo laabtay Argentina iyadoo ay socoto daaweyntiisa.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Spurs ayaa laga yabaa iney badiyaan kulankii seddaxaad oo xariira cayaaraha sare ee horyaalka Manchester United markii u horreysay tan iyo 1960-kii.

United ayaa qasaartay seddaxdii dheel ee u dambeysay Premier League oo ay la cayaartay Spurs, markii hore ay u guuldarreysteen kaliya seddax kulan 23-cayaar ooh ore u kulmeen (12 guul, iyo 8 bar-baro).

Labada koox ayaa dhaliyay 40-gool lixdoodii kulan ee u dambeysay oo ay ku kulmeen dhammaan tartamada.

Tottenham ayaa guuldarreysatay kulan kaliya 11-kulan dhammaan tartamada, waxay guuleysteen sagaal dheel iyo kulan bar-baro ah.

Waxaa laga yabaa iney garaan 51-dhibcood dheeshan, taasoo noqon doonta ugu yaraan laba kulan oo degdeg ah mar loo eego xilli cayaareed kasta oo Premier League.

Spurs ayaa laga yabaa iney ku guuldarreystaan garoonkooda kulamo xariira Premier League markii u horreysay tan iyo May 2015-kii.

Manchester United ayaa guuleysatay afar kulan xariira Premier League markii u horreysay tan iyo bishii April.

Waxay yihiin kooxda kaliya ee leh 100% rikoodha Premier League tan iyo markii uu Ole Gunnar Solskjær shaqada ka badalay Jose Mourinho.

Red Devils waa guul la’aan shan cayaar oo ay wajaheen kooxaha lixda sare xagaagan, laba bar-baro iyo seddax qasaaro.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close