HORDHAC: Barcelona v Eibar

( La Liga ) 13 Jan 2019. Barcelona ayaa marti qaadeysa naadiga Eibar kulamada 19-aad ee LaLiga asbuucan.

Blugaran ayaa ku jira waayo fiican iyagoo fursad u heysta iney dheereystaan dhibcaha hogaanka.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: La Liga

Waqtiga: 08:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Jesus Gil Manzano

Garoonka: Camp Nou

Wararka Kooxaha

Sergi Roberto ayaa laga doorbiayaa Nelson Semedo xulashada daafaca midi gee guriga.

Arthur ayaa laga yabaa in la siiyo safka horreeya Arturo Vidal ee qadka dhexe.

Ousmane Dembele ayaa hor boodaya Philippe Coutinho isagoo markale la filayo kasii cayaaro garabka weerarka.

Ivan Ramis ayaa shaki ku jiraa todobaadkan, waxaana loo arki karaa in Paulo Oliveira loo magacaabo daafaca dhexe.

Gonzalo Escalante iyo Pape Diop ayaa la filayaa in lagu xoojiyo qadka dhexe.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Barcelona ayaa ka gaartay 2-0 Eibar markii labada koox ay ku kulmeen gobolka Basque February 2018. Dhanka kale, kooxda Catalan ayaa 6-1 ku xaaqday Eibar kulankii u dambeeyay ee Camp Nou.

Labada koox ayaa afar jeer ku kulmay Camp Nou horyaalka iyadoo Barcelona ay dhalisay 16-gool, waxayna badiyeen dhammaan kulamadaas.

Marc Cucurella oo haatan amaah ugu cayaaraya Eibar kana yimid Barcelona, laakiin 20-jirkaan ayaa loo ogolaan doonaa inuu wajaho kooxda milkiyadiisa leh.

Eibar ayaa gool dhalisay afar mar oo ay Barcelona wajahay siddeed kulan oo ay is arkeen, taasoo rikoodh liita ku ah kooxda martida.

Shan guul, todoba bar-baro iyo lix qasaaro – taasi waa natiijada cayaareed ee kooxda Eibar xagaagan horyaalka La Liga.

Guuh ahaan 22-dhibcood ayay lee dahay kooxda Basque iyagoo ku jira kaalinta 13-aad dhanka kala horreynta, kaliya seddax dhibcood ayay ka sareeyan todobad kaalin ee ka horreysa kulamada 19-aad ee asbuucan.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close