Goolkii uu Rashford ka dhaliyay Tottenham oo Baal DAHABI ah u galay….(Muxuu uga dhigan yahay?)

(England) 13 Jan 2019. Manchester United ayaa guul naf lacaari ah ka gaartay kooxda Tottenham oo ay ku martay gool caato ah.
Xiddig yaraha reer England Marcos Rashford ayaa dhaliyay goolka madiga ah ay Red Devils kaga adkaatay Spurs.
Pogba ayaa baas cajiib ah siiyay Rashford oo isna si qurux badan oo caqliyaysan u dhammeystiray.
Haddaba Goolka ayaa uga dhigan Rashford inuu markii ugu horreysay ebid waayihiisa ciyaareed uu goolal dhaliyay saddex kulan oo xiriir ah Premier League.
3 – Marcus Rashford has scored in three consecutive Premier League appearances for the first time in his career. Exciting. #TOTMUN pic.twitter.com/JvXSdrSLIU
— OptaJoe (@OptaJoe) January 13, 2019
Gool FM.