De Gea oo RIKOODH cajiib ah u dhigay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, Kadib guusha ay ka gaareen Tottenham

(Premier League)  13 Jan 2019. Goolhaayaha kooxda Manchester United David De Gea ayaa bandhig cajiib ah  sameeyay caawa, kadib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay inay guul muhiim ah kaga gaarto kulankii ugu adkaa isbuucan horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa kulankan marki u ahayd kooxda Tottenham Hotspur waxayna ciyaarta ugu dambeyn ku soo idlaatay 1-0 ay guusha ku raacday Red Devils, waxaana goolkan u dhaliyay Marcos Rashford.

Tababare Ole Gunner Solskjaer ayay guushan kaga dhigay tahay kulankii lixaad uu guul u horseeday kooxda Manchester United.

Laakiin sheekada xiisaha badan ayaa ah in David De Gea uu door muhiim ah ka qaatay guushii ay caawa Manchester United ka gaartay kooxda Tottenham Hotspur, xitaa isagoo RIKOODH cajiib ah u dhigay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

David De Gea ayaa noqday goolhaayihii ugu horeeyay ee kooxdiisa ka bad baadiyay 11 kubadood hal kulan horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close