8-dhibcood ayay Manchester United ka dambeysay Arsenal markii uu xilka u qabanayay Solskjær haddana…..

(England) 13 Jan 2019. Manchester United ayaa guul mihiim ah ka gaartay kooxda Tottenham kaddib markii ay gool madi ah kaga adkaatay Tottenham oo ay marti u ahaayeen.
Kulanku wuxuu ahaa tijaabadii ugu adkeyd uu ilaa iminka maray macalinka ku meel gaarka ah ee Red Devils Solskjær wuuna ku guuleystay rafaad kasta ha u maree.
Haddaba waxaa xusuusin mudan in markii uu macalinka reer Norway qabtay xilka United oo la ceyriyay Jose Mourinho waxay 8-dhibcood u jireen Arsenal balse iminka waa isku dhibco.
Waxay wada leeyihiin min 41-dhibcood balse Gunners ayaa farqiga goolasha ugu jirta kaalinta 5-aad halka ay Man United ku jirto 6-aad.
8 – Manchester United were eight points behind Arsenal when Ole Gunnar Solskjær became their caretaker manager on December 19th but are now level on points with the Gunners. Recoup. #TOTMUN pic.twitter.com/PcCAkf4Af0
— OptaJoe (@OptaJoe) January 13, 2019
Gool FM.