West Ham oo Garaacday Arsenal…+SAWIRRO

( Premier League ) 12 Jan 2019. Naadiga west ham ayaa guul muhiima ka gaartay Arsenal oo ay kaga badiyeen 1-0.

Dheesha ayaa qeybta hore lagu kala maray 0-0, inkastoo ay yareed fursadaha labada dhinac ay la bartilmaameed sadeen goolka.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad kooxda guriga ayaa heshay goolka ay guusha ku gaareen.

Markii cayaartu socotay daqiiqadii 48-aad ee qeybta labaad Declan Rice ayaa goolka ay ku badiyeen u dhaliyay West ham kaddib caawin uu ka helay Samir Nasri isagoona kubbad qurux badan ku hubsaday goolka Arsenal.

Gunners ayaa loo arkay mid la imaan karta goolka bar-baraha wallow dhawr isku day aysan u suuragalin iney gool ku helaan.

Fursadii ugu wanaagsaneed waxaa banaanka goolka mariyay Alex Iwobi kaddib kubbad weerar calis aheyd oo ay heleen cayaariyahanada Arsenal.

Waa guushoodii labaad oo ay Premier League ka gaaraan Arsenal 24-kii kulan ee u dambeysay labada koox, iyadoo sido kale ay garoonka kooxda Guriga ay soo gaadireen taageerayaashii ugu badnaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close