Tottenham oo ku Wargalisay Real Madrid Qiimaha Dhaliyahooda Hary Kane…Waa Imisa ?

( London ) 12 Jan 2019. HARRY KANE ayaa shaki la’aan ah bartilmaameedka suuqa ugu weyne ee Real Madrid – laakiin Tottenham ayaa soo bandhigtay lacagaha ay ku dooneyso weeraryahakooda oo dhan £310-milyan oo pound.

Kabtanka England ayaa kamida dhaliyaasha ugu wanaagsan caalamka, iyadoo si xoogan ay u dooneyso kooxda Spanish sidii ay ugu soo biirin lahaayeen naadiga.

SunSport ayaa fahantay in Spurs aysan u baahneen iney iibiso Kane ama mid kamida cayaariyahaneeda inta lagu guda jiro suuqa jilaalka ee January.

Real Madrid waxay dooneysaa iney xoojiso waxqabadkeeda oo haatan ka liita dhanka dhalinta laakiin weli waa kuwa doonaya weeraryahan da’yara.

Image result for Spurs tell Real Madrid they must pay £310MILLION to sign Harry Kane

Dhinaca kale xiddigaha Robert Lewandowksi iyo Edinson Cavani ayaa laga yabaa iney ku helaan qiimo sax ah, balse labuduba waa 30-jir sidaa darteed Los Blancos ayaa dooneysa xal wati dheer ah.

Kooxda, ayaa hadda ku jirta kaalinta shanaad ee La Liga, waxay dhaliyeen kaliya 26-gool 18-kulan oo ilaa haatan la dheelay horyaalka.

Cristiano Ronaldo waxaa loo ogolaaday inuu u dhaqaaqo Juventus xagaagii kaddib 10-sano ku dhawaad uu joogay Madrid.

Maqnaan shihiisa, kaddib Karim Benzema iyo Gareth Bale ayaa ku dhibtooday iney buuxiyaan booska.

Saxiixa xagaagii ee Mariano Diaz ayaa sido kale ku fashilmay inuu si joogta kooxda ugu noqdo gool-dhaliye.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close