Thomas Muller oo la Ganaaxay labada Kulan ee Champions League la Cayaarayaan Liverpool Kaddib KUNGUFUGII…???

( Munchen ) 12 Jan 2019. Weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller ayaa seegaya kulankooda wareega 16-ka koobka Champions League ay la dheelayaan Liverpool kaddib markii la ganaaxan laba kulan oo tartamada yurub ah.

Muller oo 29 jira, wuxuu ahaa mid laga saaray kulankii bisha December ku dhammaaday barbaro 3-3 heerka group-ka Champions League oo ay la cayaareen Ajax markii uu madaxa la darbeeyay ama kalaaday Nicolas Tagliafico.

Xiddiga Germany –kasoo 42-gool dhaliyay 107-cayaar uu saftay  Champions League – ayaa racfaan ka qaadan kara go’aankan.

Image result for Thomas Muller: Bayern Munich forward suspended for Liverpool tie

Labada koox ayaa ku kulmi doona lugta hore garoonka Anfield 19 February iyo lugta labaad oo at ku cayaari doonaan Munich 13 March.

Waa kulankii u horreeyay xirfada cayaareed ee Muller laga saaro kulan kaddib dhacdan isagoo raali galin ku bixiyay baraha bulshada: “Waxaan jeclaan lahaa inaan ka raali galiyo Nico Tagliafico dhacdadan. Ma aheyn wax loo baahnaa. Si dhaqso ah ku bogso.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close