RASMI: Laacibka bisha ee kooxda Liverpool oo lagu dhawaaqay

(Liverpool) 12 Jan 2019. Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay xidigii ugu fiicnaa kooxdeeda December ee lasoo dhaafay.

Gooldhaliyaha reer Masar ee Mohamed Salah ayaa loo caleymo saaray abaal marinta xidigii ugu fiicnaa bishii lasoo dhaafay ee December, kadib shaqadii adkeyd uu soo qabtay.

Kooxda Liverpool ayaa war rasmi ah ay ku soo daabacday shabakadaheeda rasmiga ah sida Twitter-ka Facebook iyo Instagram waxay ku xaqiijisay in Mohamed Salah uu ku guuleystay abaal marinta laacibka bisha markii 9-aad ee xirfadiisa kooxda Reds, tan iyo markii uu kaga soo biiray Roma sanadii 2017.

Mohamed Salah ayaa ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan kooxdiisa Liverpool bishii December, wuxuu si weyn kaga qeyb qaatay natiijooyinkii wanaagsanaa ay gaartay Reds, sida in ay Manchester City kaga sara mareen hogaaminta horyaalka Premier League.

Salah ayaa bishii lasoo dhaafay ee December kasoo muuqday kooxda Liverpool 8 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan, wuxuu dhaliyay 7 gool, wuxuuna sidoo kale saaxiibadiis ka caawiyay 4 gool kale, waana shaqo ka badan inta ay qabteen wiilasha kale uu ku heysto macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp safka Reds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close