Michael Carrick oo ka hadlay waxyaabo muhiim ah ee iska badalay Manchester United tan iyo imaatinka tababare Solskjaer

(Manchester) 12 Jan 2019. Michael Carrick oo ah caawiyaha tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in dabeecada macalinka reer Norway ay sabab u noqotay in Red Devils ay gaarto natiijiiyin fiican.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay dhawaan Michael Carrick, kaasoo uu kaga hadlay isbadalka ku yimid kooxda Manchester United wuxuuna yiri:

“Solskjaer waxa uu leeyahay dabeecad qof walba ka dhigeysa inuu qoslo, xili kasta waa shaqsi aad u fiican oo niyad wanaagsan leh”.

“Waxaan u maleynayaa inaad arki karto saameynta uu ku yeeshay qof kasta ee kooxda ku sugan, sidaas darteed macalinka wuxuu ku socdaa wado dheer uu ku heli karo sida ugu fiican ee ciyaartoyda”.

“Kalsoonida iyo iimaanka, waxay qeyb ka tahay kooxda, mararka qaar guulaha waxay sameeyaan farqi,Tottenham Hotspur waxay ku jirtaa xaalad wanaagsan, anagana sidoo kale”.

“Waxay awoodaan inay dhaliyaan goolal, sababtoo ah waxay heystaan ciyaartoy aad u wanaagsan”.

“Waxaan diyaar u noqon doonaa inaan wajahno arintan, waxaan horey u soo argnay hanjabaadahan oo kale”.

Si kastaba Manchester United ayaa Axada bari ah marti ugu noqon doonto Tottenham Hotspur Wembley Stadium si ay u wada ciyaaraan kulankooda 22-aad xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close