Maxay ka Mideysan yihiin Maxaysa ku kala duwan yihiin Isco iyo Coutinho??….(AQRI XOGTAN)

(La Liga)  12 Jan 2019. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay warbixin ku saabsan waxyaabo ay ka siman yihiin iyo waxyaabo ay ku kala duwan yihiin xidigaha u kala ciyaara kooxda Real Madrid iyo Barcelona, ee Francisco Isco iyo Philippe Coutinho kadib markii ay labadoodaba ka baxeen qorshayaasha macalimiinta Santiago Solari iyo Ernesto Valverde.

Waxaa muran xoogan dhalisay arinta ku aadan in Isco kulamadii lasoo dhaafay uu kasoo muuqday kursiga keydka, taasoo inbadan lagu buun buuniyay baraha bulshada iyo wargeysyada caalamka.

Isla sidaas oo kale waxay ku heysataa Philippe Coutinho kooxdiisa Barcelona, kadib markii uu booskiisa joogtada ah u waayay da’ayarka reer France ee Ousmane Dembélé.

Hadaba wargeyska reer Spain ee “Marca” oo ka faa’ideysanayay xaalada ay ku kala sugan yihiin labadan xidig, wuxuuna daabacay waxyaabaha ay ka siman yihiin iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin:

1= Kursiga keydka ayay ka siman yihiin labadan xidig:

Qeybta ugu muhiimsan ay ka siman yihiin xidigha Francisco Isco iyo Philippe Coutinho ayaa ah kursiga keydka ay ka soo muuqdeen kulamadii lasoo dhaafay, xili labadan xidig ay awoodi karaan in boos joogta ah ay ka helaan koox kasta ee caalamka ka dhisan, hadan sidaas oo ay tahay kuma heystaan boos joogta ah garoomada Santiago Bernabeu iyo Cump Nou.

2= Waxqabadka Hoose:

Qaab ciyareedka haatan ee Isco iyo Coutinho kama caawineyso inay dib u helaan booskooda joogtada ah, sababtoo ah marka ay qeybta labaad badal ku soo galaan ma sameeyaan bandhigii fiicnaa ee laga doonyay, taasoo ka careysiineysa labada macalin si wada jir ah ama si kali ah.

3= Sidoo kale Tirakoobka:

Waxyaabaha kale ay ka siman yihiin labadan ciyaaryahan ayaa waxaa ka mid ah tirakoobyada laga diiwaan galiyay xili ciyaareedkan oo si xoogan isaga agdhow, Coutinho ma uusan ku soo bilaawan kooxdiisa Barcelona 4-tii kulan lasoo dhaafay ee horyaalka La Liga, wuxuuna dhaliyay 6 gool 26 kulan uu kooxda kasoo muuqday tan iyo bilawga xil ciyaareedkan.

Halka isagana Isco uusan si toos ah u ciyaarin xitaa hal kulan tan iyo guuldaradii niyad jabka ahayd ee Real Madrid kasoo gaartay kulankii El Clásico, isagoo dhaliyay 4 gool 20 kulan uu u saftay Los Blancos.

4= Uma qalmin qorshaha kooxda:

Dhibaatada ugu weyn ee haysata labadan xidig ayaa ah in qaab ciyaareedkooda uusan ku habooneen qorshaha labada macalin, iyadoo Solari uu doorbidayo inuu ku ciyaaro qorshe ah 4-3-3, islamarkaana uu doonayo inuu ku tiirsanaado laba xidig deg deg badan, Isla sidaas oo kale Coutinho oo isna aanan heysan xawaare la mid ah Ousmane Dembélé oo kale.

Farqiga koowaad .. Sababaha ay ku kala duwan yihiin labada xidig:

Farqiga ugu horeeya ee u dhaxeeya labada xiddig ayaa ah in Coutinho looga reebo line-upka kooxda ay tahay wax fudud, ciyaaryahanka ayaa wuxuu muhiim ka ahaa qorshaha kooxda, kadib wuxuu la kulmay dhaawac, taasoo ka dhigtay in ugu dambeyn booskiisa uu u waayo Ousmane Dembélé oo fursadan ka faa’ideystay isla markaana soo bandjigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin Isco arintiisa ayaa ku duwan sidan, wayna cadahay inaysan isku sabab ahayn, sababtoo ah Solari wuxuu doorbidaa dhamaan ciyaartoyda, inkastoo uu qof walba ka war qabo in Isco uu yahay laacibka ugu xariifsan kooxda, isla markaana awooda inuu sameeyo farqi.

Solari ma uusan jecleyn qaab ciyaareedka Isco, sababtoo ah wuxuu jecel yahay ciyaartoyda ku ciyaarta xawaare xoogan, lakiin xaalada waxayba kasii dartay kadib markii uu laacibka ka reebay kulankii Eibar ee Copa del Rey, waxayna arinta isku badashay inuusan fiicneyn xiriirka ka dhexeeya labadan shaqsi.

Farqiga Labaad:

Inkasta uu jiro khilaaf cad ee u dhexeeya Solari iyo Isco, hadana ilaa iyo haatan macalinka reer Argantina ma uusan kala hadlin saxaafada arimo ku saabsan ciyaaryahanka reer Spain, balse taas badalkeeda caawiyaha  Valverde ayaa saxaafada kahor qiray in qaab ciyaareedka Coutinho uu ku yimid hoos u dhac tan iyo xilli ciyaareedkii hore.

Farqiga seddexaad… Qiimaha ciyaartoydan ee labada kooxood:

Inkastoo Philippe Coutinho uu Barcelona ku yimid heshiiskii ugu qaalisanaa ee taariikhda kooxda, hadana weli hal sano ayuu ku qaatay garoonka Cump Nou, sidaas darteed jamaahiirta agtooda wali si xoogan uguma lug yeelan, xili aan sidoo kale lagu tirinin shaqsiyaadka ku xoogan qolka labiska kooxda

Dabcan, sheekada Isco way ka duwan tahay, sababtoo ah ciyaaryahanka ayaa xilli ciyaareedkiisii ​​lixaad ku qaatay kooxda Real Madrid, isagoo kula guuleystay afar jeer tartanka Champions League ah, wuxuuna door weyn ee muuqda uu ku lahaa koobabkii ay Los Blancos dhawaanahan ku guuleysatay, sidaasi darteed qiimaha uu ku dhex leeyahay Real Madrid ayaa ka weyn qiimaha Coutinho ee Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close