“Marcus Rashford wuxuu la mid noqon karaa Harry Kane” – sidaas waxaa yiri tababare Solskjær

(Manchester) 12 Jan 2019. Macalinka ku meel gaarka ah ee kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa aaminsan in Marcus Rashford uu noqon karo mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka, isla markaana uu la mid noqon doono Harry Kane.

Manchester United ayaa Axada bari ah marti ugu noqon doonto Tottenham Hotspur Wembley Stadium si ay u wada ciyaaraan kulankooda 22-aad xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier League.

Tababare Solskjær ayaa ku qanacsan kahor kulankan in Marcus Rushford uu cadeeyn karo inuu yahay weeraryahan halis ku ah goolka hortiisa.

Rushford ayaa inta uu ka hoos shaqeenayay tababare Ole Gunnar Solskjær wuxuu dhaliyay 3 gool 4-tii kulan ee ugu dambeesay horyaalka Premier League, wuxuuna aaminsan yahay in 21 jirkan uu ka mid noqon karo mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka.

“Wuxuu noqon karaa weeraryahan weyn, waxaa suuragal ah inaan ka hadalno in Harry Kane uu yahay mid ka mid h weeraryahanada ugu fiican aduunka”.

“Waxaan hubaa in Marcus Rashford uu awoodi karo inuu gaaro heerkaas oo kale, wuxuu leeyahay awood uu ku gaari karo heerkaas”.

“Wuxuu leeyahay xawaare laga cabsado, haatan wuxuu noqday mid xoogan, waa ciyaaryahan xiiso leh in lala shaqeeyo”.

Gool FM.

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close