Ferguson oo markale Tababarka kula soo biiray Man United ka hor kulanka Berito ee Tottenham….(Bal Ogoow Hadal Wayn uu u sheegay)

(Manchester) 12 Jan 2019. Sir Alex Ferguson ayaa markale tababarka kula soo biiray Manchester United ka hor kualnkooda berito ee Tottenham si uu u dhiiro galiyo.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa si dhow ula shaqeynayay Ferguson tan iyo sidii uu xilka uga dhaxlay Jose Mourinho.

Tababaraha reer Norway ayaa rajeynaya in imaanshiyaha Ferguson ee xerada Carrington maanta oo sabti ah ay sare u kac ku sameyn doonto kooxdiisa.

Ferguson ayaa sidoo kale yimid tababarka kooxda Manchester United ka hor ciyaartii ay 4-1 uga adkaadeen Bournemouth bishii la soo dhaafay.

SunSprt ayaa daaha ka rogeysa in intii lagu guda jiray booqashada Ferguson ee xerada tababarka Red Devils uu ka jeediyay hadal dhiiro galin leh isagoona ciyaartoyda u sheegay:

“Markale ayaad kooxdan ka dhigi kartaan mid wayn.”.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close