Cesc Fabregas oo fariin qiiro leh ku macsalaameeyay kooxdiisii hore ee Chelsea

(England) 12 Jan 2019. Laacibka khadka dhexe reer Spain Cesc Fabregas ayaa fariin cajiib ah u diray kooxdiisii hore ee Chelsea ka dib markii uu ugu dhaqaaqay Monaco heshiis gaaraya ilaa 2022-ka.

Cesc Fabregas ayaa fariintan u mariyay kooxdiisii hore ee Chelsea bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuuna yiri:

“Dareen kala duwan, waxaan u mahad celinayaa qof walba, uu ugu horeeyo milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich, kaasoo ka dambeeyay ku biiristeyda kooxda Chelsea”.

“Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa saraakiisha farsamada ee kooxda oo iga cawisay inaan hormariyo qaab ciyaareedkeyga, sidoo kale saaxiibadey oo iga caawiyay inaan kula guuleysto tartamada kala duwan, iyo sidoo kale taageerayaasha kooxda ee quruxda badan”.

“Wuxuu ahaa safar aad u weyn, anigoo ka murugeysan waxaan idin leeyahay nabad galyo”.

Cesc Fabregas ayaa wuxuu fariintiisan ku soo xiray:

“Waan idin xiisi doonaa dhamaantiin, waxaan idin rajeenayaa inaad guulo iyo mustaqbal wanaagsan la gaartaan kooxda Chelsea”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close