Aabaha dhalay Neymar oo ka baxay aamusnaanta, kadib markii uu ka hadlay wararka ku aadan in wiilkiisa uu ku laabanayo Barcelona

(PSG) 12 Jan 2019. Aabaha dhalay laacibka kooxda Paris-Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa beeniyay wararka sheegaya in wiilkiisa uu xiiseenayo dib ugu laabashada kooxdiisii hore ee Barcelona suuqa xagaaga ee soo aadan.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii dareen in laacibka ugu qaalisan kubada cagta aduunka uu ka qoomameenayo go’aankii uu ugu biiray kooxda reer France ee PSG.

Warar soo baxay ayaa waxay tilmaameen in wiilka reer Brazil uusan ku qancin ka ciyaarista kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska ee PSG, isagoo u arka inaysan lahayn wax mashruuc ah, taasoo ka dhigeysa inuu ka caga jiido ka ciyaarista horyalka France Ligue 1.

Isla wararkan ayaa waxay tilmaameen in Neymr Jr uu 5 jeer codsaday dib ugu laabashada kooxdiisii hore ee Barcelona, kadib marka uu ka dhaqaaqo PSG, isla markaana uu aabihiis kala hadlay arintan mas’uuliyiinta Barcelona suurtagalnimada uu wiilkiisa dib ugu soo laaban karo garoonka Cump Nou.

Balse aabaha dhalay Neymar Jr oo ka hadlayay xaqiiqada ku aadan arintan ayaa wuxuu bartiisa rasmiga ah ee Inistigram-ka ku soo qoray: “Warar been abuur ah”, si uu u beeniyo wararka ka imaanaya gudaha Spain.

Dhinaca kale wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain, ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha kooxda Barcelona uu beeniyay in madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu iyo aabaha dhalay Neymar ay ka wada hadleen mustaqbalka ciyaaryahanka reer Brazil.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close