SAWIRRO: Manchester United oo dib ugu soo laabatay Ingiriiska xilli la xaqiijiyay in Pogba uu…..

(England) 11 Jan 2019. Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay Ingiriiska kaddib tababar iyo qoraxeysi oo ay maalimihii la soo dhaafay ku joogtay Dubai.
Tababaraha ku meel gaarka ah ee Red Devils Solskjaer ayaa xaqiijiyay in xiddigiisa qadka dhexe ee Paul Pogba uu taam u yahay kulanka axada ay martida u yihiin Tottenham.
Laacibka reer France ayaa dhaawac ku seegay kulankii FA Cup kaddib jug ka soo gaartay ciyaartii ay ka soo adkaadeen Newcastle United, balse waxaa iminka la xaqiijiyay inuu kulanka taam u yahay.
Mauricio Pochettino oo ay kooxdiisu la balansan tahay Man United ayaa si wayn lala xiriirinayay xilka Manchester United, tababaraha ku meel gaarka ee Solskjaer ayaana qiray inuu u qalmo haddii xilka loo dhiibo ka hor kulankooda Axada.
EEG SAWIRRO:
Gool FM.