Macalinka iyo laacibkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee bishii December oo lagu dhawaaqay

(Premier League) 11 Jan 2019. Shabakada rasmiga ah ee horyaalka Premier League ayaa lagu shaaciyay in macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp iyo difaaciisa Virgil van Dijk ay ku kala guuleysteen abaal marinta macalinka iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa bishii December ee lasoo dhaafay.

Macalinka reer Germany ayaa ku guuleysiga abaal marintan ku muteystay kadib bandhigii wanaagsanaa ay sameysay kooxda Liverpool bishii lasoo dhaafay.

Liverpool ayaa bishii lasoo dhaafay ee December gaartay 7 guul ee ah horyaalka Premier League, waxayna kooxdiisa dhalisay 22 gool ee horyaalka ah, waxaana laga dhaliyay 3 gool oo kaliya.

Jürgen Klopp oo markii ugu horeesay ku guuleystay abaal marintan tan iyo bishii September ee 2016 ayaa wuxuu yiri:

“Waa arin wanaagsan, qaab ciyaareedka fiicnaa uu soo bandhigay qof walba ee ku sugan Liverpool, waxay ahayd ugu dambeyn bil guul ah, laakiin taas badalkeeda aad ayay hadana u adkeyd”.

“Waxaan dareensanahay in kulan kasta uu ahaa kii ugu muhimsanaa xili ciyaareedkan bishii lasoo dhaafay, waxay ahayd mid aan la rumaysan karin sababtoo ah awoodda weyn ee kulamadaas, taasoo sameysay bil gaar ah, Bishii December waxaan u shaqeynay 100%”

Dhanka kale, Virgil van Dijk ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican bishan, waxaana xaqiiqo ah inuu ahaa difaacii ugu horeeyay ee ku guuleysta abaal marinta bisha, tan iyo Jan Vertonghen bishii March 2013.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close