“Bilaawashadiisa way iga fiican tahay aniga” – Guardiola oo amaan kala dul dhacay tababare Solskjær

(Manchester) 11 Jan 2019. Macalinka reer Spain ee kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa amaanay tababaraha ku meel gaarka ah Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær,

Guardiola ayaa wuxuu tilmaamay in bilaawashada Ole Gunnar Solskjær ee kooxda Red Devils inay ka fiican tahay bilawgiisii Manchester City.

Solskjær ayaa heer kale ku hogaamiyay kooxda Manchester United, waxayna guul gaareen 5-tii kulan ee lasoo dhaafay ay ciyaareen, waxayna sidoo kale soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Hadaba Guardiola oo ka hadlayay tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaaway:

“Bilaawashadiisa kooxda Manchester United waxay ka fiican tahay qaabkii aan aniga kaga bilaawday Manchester City, waxaan guuldareystey kulankeyga ugu horeeyay ee Sky Blues, kan labaadna waxaan galay barbaro”.

“Laakiin Solskjær wuxuu wada guuleystay dhamaan kulamada tan iyo markii uu la wareegay shaqada kooxda Manchester United, waa macalin da’ayar ah, wuxuuna helay natiijooyin wanaagsan ee kooxdiisa ah”.

“Waxaan daawaday daqiiqado yar oo ka mid ah kulamadii hore ee kooxda Manchester United, islamarkaana si fiican ayay u ciyaarayeen”.

“Laakiin waxyaabahan oo kale waxba igama galin, ma doonayo inaan ka hadlo kooxaha naga soo horjeeda, waxaan heysanaa kulan adag oo aan la ciyaari doono kooxda Wolverhampton”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close