WEERARYAHAN mise DAAFAC: Sergio Ramos oo Xalay dhaliyay goolkiisii 100-aad

(Madrid) 10 Jan 2019. Sergio Ramos ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 100-aad ee waayihiisa ciyaareed kaddib rigooradii uu u dhaliyay Real Madrid ciyaartii xalay ay 3-0 uga adkaadeen Leganes Copa del Rey.

80-ka mid ah goolasha wuxuu u dhaliyay Real Madrid, 3 uu u dhaliyay kooxdiisii hore ee Sevilla iyo 17-goo uu u dhaliyay xulkiisa Spain.

Kabtanka Spain iyo Los Blancos ayaa markii uu u dabaal degayay goolkiisa rigoorada xalay bixiyay tilmaam ah inuu gaaraya Boqol gool.

Aad ayay u yaryihiin daafacyo dhaliyay 100-gool  ama ka badan oo wuxuu iminka Sergio Ramos daba bursanayaa inuu gaaro rikoodhka daafacyadii hore ee Ronald Koeman  iyo Daniel Alberto Passarella kuwaa oo kala dhaliyay 193-gool iyo 134-gool.

Sergio Ramos ayaa goolkiisii ugu horreeyay dhaliyay sanadkii 2004, 16-ka bishii September markaa uu u ciyaarayay Sevilla.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close