Halyayga kooxda Real Madrid Jorge Valdano oo talo muhuum ah u diray Francisco Isco

(Real Madrid)  10 Jan 2019. Isco oo ku soo bilaawday kursiga keydka kulankii ay xalay Real Madrid kula ciyaartay Leganes Copa del Rey, ayaa si weyn loo hadal hayaa maanta, wuxuuna sidoo kale helayaa talooyin badan.

Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda  Leganes, kadib markii ay ku garaacday 3-0, kulankanka lugta hore ee ka tirsanaa kulamada wareega 16-ka ee tartanka Copa del Rey, kaasoo ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu.

Santiago Solari ayaa go’aansaday inuu Isco ka saaro line-upkiisa koowaad, wuxuuna doorbiday inuu ku soo bilaawdo kursiga keydka, taasoo ka dhigtay in shaki xoogan la galiyo mustaqbalka khadka dhexe reer Spain.

Hadaba Jorge Valdano   oo ah ciyaaryahankii hore ee kooxda Real Madrid iyo falanqeeyaha cayaaraha ee Radio Onda Cero ayaa talo muhiim ah u diray khadka dhexe reer Spain ee Isco, isagoo ka codsaday in qaab ciyaareed cajiib ah uu ku dhex sameeyo gudaha garoonka.

“Isco waa inuu ogaadaa, in xaaladahan oo kale ay yihiin kuwa aad wax ku heli karto ama aad ku weyn karto gudaha garoonka”

“Wuxuu jecel yahay in naftiisa uu muujiyo inuu yahay dhibane, ee uma muuqda inuu yahay ciyaaryahan dadaal badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close