Gabriel Jesus oo ka hadlay dareenkiisa kadib AFARTII gool uu ka dhaliyay kooxda Burton Albion

(Manchester)  10 Jan 2019.Gabriel Jesus ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dhaliyo 4 gool kulankii xalay Carabao Cup-ka ay 9-0 kaga badiyeen kooxda Burton Albion kaasoo ka dhacay Etihad Stadium.

Shabakada caanka ah ee BBC ayaa daabacday wareysi uu bixiyay Gabriel Jesus kadib kulankii uu xalay super hat-trick ka dhaliyay kooxda Burton Albion wuxuuna yiri:

“Afar gool kuma dhalin xirfadeyda kubada cagta hal kulan, aad ayaan ugu faraxsannahay wixii aan qabannay, si fiican ayaan u ciyaarnay, balse waxaan ixtiraameynaa sidoo kale kooxda aan la ciyaarnay waa intaas waxa ugu muhiimsan”.

“Ciyaartoyda sida aniga oo kale ah waxay doonayaan inay ciyaaraan in daqiiqado badan si ay kooxahooda u caawiyaan, anagana waxaan dooneynaa inaan gaarno guulahaas oo kale”.

9-ka ay guusha ku gaartay kooxda Manchester City ayaa waxaa u kala dhaliyay Kevin De Kevin De Bruyne (5), Gabriel Jesus (30, 34, 57, 65), Olexandr Zinchenko (37aad), Philip Foden (62), Kyle Walker (70) iyo Riyad Mahrez (83).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close