“Vincent Kompany waa hogaamiyaheena balse…” – Pep Guardiola

(Manchester) 09 Jan 2019.  Pep Guardiola ayaa u rajeeyay in Vincent Kompany uu sii joogo kooxda Manchester City, isagoo tilmaamay inuu yahay hogaamiyaha kooxda Sky Blues.

Vincent Kompany oo haatan da’adiisu tahay 32 jir ayaa u soo dhaqaaqay safka kooxda Manchester City sanadkii 2008, isagoo kaga soo biiray kooxda Hamburger.

11-kii sano ee la soo dhaafay, Vincent Kompanywuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa ee Manchester City.

Heshiiska Vincent Kompany ee Manchester City wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, sidaas darteed Guardiola ayaa muujiyay rabitaan ah inuu sii joogo ciyaaryahanka islamarkaana uu kordhiyo qandaraaskiisa.

“Vincent Kompany waa kabtankeena wuxuuna halkan ku soo qaatay mudo dhan 11 sano”.

“Labadii kulan lasoo dhaafay waxaan ku aragnay Kompany mid ka mid ah, wuxuu awooday inuu kaliya ciyaaro hal kulan. Company ayaa ka qeyb qaatay ciyaaraha Premier Leagu ee Liverpool”.

“Dhibaatada ugu weyn ee Vincent Kompany ayaa ah dhaawacyada badan ee joogtada ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close