Paul Pogba oo Ku guulestay Abaalmarintii ugu Horreysay Kaddib CEYRINTII Mourinho

( Dubai ) 09 Jan 2019. Paul Pogba ayaa lasoo laabtay bandhigay cajiiba tan iyo markii uu baxay Jose Mourinho wuxuuna noqday hogaamiyaha kooxda tasoo ninka qadka dhexe u hor seeday in loo magacaabo laacibka bisha ee kooxda Manchester United.

Laacibka French ayaa ahaa mid aad ula kulmayay dhaleeceyno xoogan kaddib cayaar liita uu soo bandhigay kulamadii u dambeeyay uu kooxda leylinayay Mourinho ka hor inta aan la ceyrin 48-saac kaddib guuldarradii Liverpool ee 16-kii December.

Pogba wuxuu ahaa badal aan la isticmaalin kulankii Anfield laakiin iminka waa laf dhabarka shaxda maamulaha kumeel gaarkaa ee Ole Gunnar Solskjaer.

Manchester United midfielder Paul Pogba shows off his Player of the Month award in Dubai

Pogba ayaa ahaa mid muujiyay wax tarkiisa kooxda Red Devils taasoo adkaatay shan kulan xariira horyaal iyo kooba.

Pogba ayaa la goddoonsiiyay abaalmarinta laacibka bisha ee United Talaadadii kaddib markii uu waqti dambe gaaray Dubai halkaa oo kooxdu ay ku qaadaneyso tababar isku kuli leen afar maalin ah iyadoo xiggidan lagu daaweynayay xarunta kooxda ee Carrington.

Pogba ayaa ka maqanaa kooxda kulankii Sabtida ay 2-0 uga badisay Reading koobka Fa Cup kaddib markii uu dhaawac gaarsiiyay laacibka Jonjo Shelvey dheeshii ay guusha ka gaareen Newcastle United kulankii u dambeeyay ee Boxing Day.

Pogba delayed his arrival in Dubai for warm weather training so he could receive treatment

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close