Maxamed Saalax oo Sanadkii labaad xariira ku Guuleystay Abaalmarinta Laacibka Qaarada Afrika..+SAWIRRO

( Dakar ) 09 Jan 2019. Dhaliyaha Liverpool Mohamed Salah ayaa loo caleemo saaray sanadkii labaad oo xariira laacibka qaarada afrika kaddib 12-bilood kahor oo abaalmarintan hore ugu guuleystay.

Weeraryahanka Egyptian ayaa ka caawiyay kooxdiisa Reds iney garaan finaalka Champions League bishii May ee sanadkii tagay iyadoo sido kale xagaagan uu qeybta ka yahay laf dhabarada kooxda hogaanka u heysa Premier League. Kaddib markii uu jaa’zadan difaacday sanad kaddib.

Si uu u cadeeyo guushiisa, weeraryahanka ayaa ku biiray koox goob cayaar kusoo bandhigtay masraxa Dakar, oo uu qeyb kala ahaa laacibka Senegal.

Salah ayaa ku raaxeysay rikoodho uu jabiyay xagaagii 2017/18, isagoo dhaliyay 32-gool Premier League iyo 44-gool uu dhammaan tartamada ka dhaliyay ololahii hore.

Salah was handed the award by George Weah (right) and CAF president Ahmad Ahmad

Wuxuu sido kale dhaliyay laba gool koobkii adduub ka oo ay markii u horreysay cayaareen Egypt tartankaa muddo 28-sano kaddib.

Salah ayaa abaalmarintan ku garaacay musharaxiinta kala ah, xiddiga Liverpool ay kawada mid yihiin Sadio Mane iyo weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang.

Waa isla cayaariyahanadii uu sanadkii tagay kaga adkaatay jaa’izadan oo ay codeeyaan agaasimayaasha farsamada iyo 56 tababarayaal xubin ka ah CAF.

Markale ayuu dhameystiray ku guuleysiga abaalmarinta sanad laha kaddib markii uu 26-jirkaan hore ugu guuleystay laacibka BBC ee qaarada Afrika ugu wanaagsan sido kalena uu sanadkan ku dhameystay kaalinta lixaad ee Ballon d’Or.

Salah enjoyed a record-breaking 2017/18 campaign, scoring 32 goals in the Premier League

Salah ayaa abaalmarinta lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday Dakar habeenimadii Talaadada, halkaa oo sido kale lagu magacaabay kooxda ugu wanaagsan sanadkan 2018 qaarada Afrika oo ay qeyb kala ahaayeen Mane iyo Naby Keita.

Aubameyang ayaa sido kale ku jiray iyadoo 7-kamida 11-cayaariyahan ee kooxda sanadka loo xulay ay ka cayaaraan horyaalka Premier League sida Riyad Mahrez, Eric Bailly iyo Serge Aurier oo Tottenham u dheela.

Medhi Benatia oo Juventus ah, Kalidou Koulibaly oo Napoli kamida, laacibka Atletico Madrid  Thomas Partey iyo goolhayaha Denis Onyango oo shabaqa u ilaalsha kooxda Mamelodi Sundowns ee koonfur Afrika ayaa dhameystiray safka naadiga ugu fiidan qaarada Afrika.

Salah was also included in the African Team of the Year with seven Premier League players

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close