DAAWO: Hazard oo ku XANAAQAY mid ka mid ah xiddigaha Chelsea kaddib guul daradii Xalay ka soo gaartay Tottenham

(London) 09 Jan 2019. Chelsea ayaa guul darro muran badan dhalisay xalay kala kulantay Tottenham lugta hore ee Semi-final ka Carabao Cup.

Goolka madiga ah ay Spurs kaga adkaatay Blues ayaa ahaa Rigoore uu dhaliyay Kane, laakiin weeraryahanka reer England ayaaba marka hore ku jiray offside intaan loo dhigin gool ku laadka.

Eden Hazard ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta ku ku xanaaqay daafaca Marcos Alonso kaddib markii ay is fahmi waayeen.

Daafaca reer Spain ayaa kubbada ku horjiiday Hazard isagoo u baasi kara dabadeed markuu gudbay ayuu gadaal gadaal ugu soo reebay.

Laacibka reer Belgium ayaana kubbadaas qalad lagu galay maadaama uu meel ciriiri ah ku jiray, waxaan la arkayay isagoo gacanta tuuraya oo ku xanaaqay Alonso.

DAAWO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close