Cristiano Ronaldo oo sheegay xiliga uu dib ugu soo laabanayo xulkiisa qaranka Portugal

(Portugal) 09 Jan 2019. Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay inuu dib ugu soo laabanayo xulkiisa qaranka Portugal, isla markaana uu ka hoos shaqeyn doono markale tababare Fernando Santos sanadkan cusub.

Ronaldo ayaan kasoo muuqan wax kulan ah tan iyo markii uu xulkiisa Portugal kasoo haray koobka aduunka 2018 ee ka dhacay dalka Russia, iyadoo uu qorshuhu ahaa mudada uu ka maqan yahay inuu la qabsado kooxdiisa cusub ee Juventus.

Hadaba wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu daabacay wareysi uu dhawaan bixiyay Cristiano Ronaldo.
“Go’aanka saxda ah wuxuu ahaa inaan ka tago xulka qaranka muddo gaaban, laakiin waan soo laaban doonaa sanadkan cusub 2019”.

intaas kadib wuxuu ka hadlay ku biiristiisa kooxda Juventus kadib markii uu kasoo dhaqaaqay Real Madrid.
“Qof walba ee Turin ku sugan si cajiib ah ayuu ii soo dhaweeyay”.

si kastaba xulka qaranka Portugal ayaa ku mashquuli doona labada kulan semi-finalka koobka UEFA Nations League, si la mid ah kulamada kala ah finalka ama kan lagu go’aamin doono booska kaalinta saddexaad inta u dhexeysa 5 ilaa 9 bisha June ee soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close