“Mourinho waa dhibaato socota” – Pogba

(Yurub) 08 Jan 2019. Mathias Pogba oo ah Paul Pogba walaalkiis ayaa ku eedeeyay macalinkii hore kooxda Manchester United ee Jose Mourinho inuu sabab u ahaa hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka walaalkiis xiliyadii lasoo dhaafay.

Paul Pogba ayaa ku soo bandhigay qaab ciyaareed niyad jab ah inta uu ka hoos  shaqeenayay macalinkii hore kooxda Manchester United ee Jose Mourinho, gaar ahaan bilooyinkii ugu dambeeyay.

Laakiin Pogba ayaa si xoogan u soo kabtay tan iyo markii uu shaqada tababarka si ku meel gaar ah ula wareegay tababare Ole Gunnar Solskjær.

Hadaba Mathias Pogba ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “RMC” ee dalka France wuxuu ku sheegay:

“Jose Mourinho wuxuu ahaa dhibaato, qolka labiska iyo banaankiisaba, wuxuu dhibaato ku ahaa wax walba

“Waxa aan ka aragno Mourinho waa inuu doonayo inuu xili kasta xakameeyo wax walbo oo dhan, wuxuu doonayaa inuu noqdo bartamaha dareenka, laakiin Paul waxba kama quseeyaan arimahaas oo dhan”.

“Hadii aad ixtiraamto isaga, wuu ku ixtiraamayaa, hadii aad si buuxda kalsooni u siiso wuxuu ku siin doonaa kulamo waaweyn iyo qaab ciyaareed cajiib ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close