Manchester United oo wada hadalo lama filaan ah la furatay Barcelona

(Europe) 08 Jan 2019. Manchester United ayaa la warinayaa inay wada hadalo la furtay kooxda Barcelona oo ku aadan sidii ay uga soo qaadan lahayd Philippe Coutinho.

Xiddiga reer Brazil ayaa sanadkii la soo dhaafay uun ku biiray kooxda reer Catalan laakiin waxaa si wayn loo warinayaa inuu sal dhigan la’yahay kaddib markii uu wax saameyn ah sameen waayay tan iyo sidii uu uga soo tagay Liverpool.

Reds ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo sidii ay dib ula soo saxiixan lahayd Coutinho, laakiin CaughtOffside  ayaa fahansan in kooxo kale oo waa wayn ay ku baraarugsan yihiin sheekadan.

Related image

Manchester United, Chelsea, Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya Coutinho haddii uu ka soo tagayo Nou Camp.

Yeelkeede, CaughtOffside waxay fahansan in United ay ka talaabo dheereysay kooxaha kula xifaaltamaya xiddiga reer BRazil kaddib markii ay la xiriirtay Barcelona si ay u waydiisato 26-jirka qadka dhexe weerarka.

Waa la arki doonaa haddii laacibkii hore ee Liverpool uu isku diyaarin doono inuu u soo dhaqaaqo koox ay cadaawad xooga kala dhexeyso Reds sida Man United taa oo ay suuro gal tahay inay bur-buriso sumcadii yareyd ay u tiilay Anfield.

Waxaa la filayaa in Coutinho uu ku kici doono 100 milyan oo bound si dib loogu soo celyo Ingiriiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close