Liverpool oo la timid MAR-MARSIYO YAAB LEH kaddib guul daradii Man City iyo Pep Guardiola oo ku QOSLAY…!!

(England) 08 Jan 2019. Liverpool ayaa la timid mar-marsiiyo la yaab leh kaddib guul daradii 2-1 ay kala kulmeen kooxda tartanka xoogan ku heysa ee Manchester City, Tababare Pep Guardiola ayaana si wayn u beeniyay warka ay la timid Reds.
Aragtida ay qabaan kooxda Jurgen Klopp ayaa ah in Pep Guardiola iyo xarfaantiisa ay cowska garoonka dheereeyeen oo ay koriyeen ka hor kulankoodii ka dhacay Etihad Stadium si ay Liverpool ugu dhibtoodo inay ciyaarto ciyaartooda caadiga ah ee ku dhisan xawaaraha sare.
“Ma ihi kuwa ilaaliya Cowska, waligey ma sameyn midaa, haddii ay doonayaan inay si dhaqsi leh u ciyaaraan inaguna waxaan dooneynaa inaan u ciyaarno si ka sii dhaqsiyo badan. Sidaa darteed marna nalama xukumin.
“Markasta waxaan isku daynaa inaan biyo ku shubno cooska, laakiin halkaan loogama baahna sababo la xiriira xaaladaha cimilada, roob badan ayaa da’a, laakiin anigu marna ma tuhunsani midaa, marna.