DEG DEG: Goorta ay ciyaarayaan Chelsea iyo Tottenham oo ugu dambeyn lagu dhawaaqay

(London) 08 Jan 2019. Tottenham ayaa caawa marti galin doonta Chelsea lugta hore ee wareega afar dhammaadka Carabao Cup, laakiin lama ogeyn goorta la ciyaari doonto lugta labaad.

Sababo la xiriira jadwalka cakiran ee ciyaaraha Ingiriiska iyo in la sugayay isku aadka wareega afaraad ee FA Cup ayaa keentay in dib loo dhigo in la shaaciyo waqtiga ay Blues iyo Spurs ciyaari lahaayeen lugta labaad.

Yeelkeede, maadaama la soo saaray isku aadka FA Cup waxaa iminka lagu dhawaaqay in Chelsea ay lugta labaad Stamford Bridge ku marti galin doonto Tottenham 24-ka bishan Janaayo Khamiis.

Manchester City ayaa iyana la xaqiijiyay inay lugta labaad ee Semi Final ka Carabao Cap la ciyaari doonto Burton 23-ka bisha maalin arboco ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close