Bayern Munich oo sare u qaaday qiimaha ay Chelsea kaga dooneyso da’ayarkeeda Callum Hudson

(Bayern) 08 Jan 2019. Bayern Munich ayaa kor u qaadday qiimaha dalabkooda ay ku doonayaan xidiga da’ada yar ee Kooxda Chelsea Callum Hudson.

Dalab koowaad ee kooxda reer Germany ee Bayern Munich ayaa gaarsiisnaa 20 milyan ginni ilaa iyo dalabkii ugu dambeeyay ee 4-aad uu gaaray £ 35million.

Laakiin Chelsea ayaa dhankeeda ku dooneysa in laacibkeedan da’ada yar ay ku iibiso aduun dhan 40 milyan oo ginni.

Callum Hudson ayaa bixiyay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii yaraa uu kasoo muuqday safka kooxda Chelsea, wuxuu ciyaaray kulankii FA Cup wuxuuna caawiyay 2-dii gool ay kooxdiisa guusha ku gaartay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close