“Waxba igama galin.”.- Solskjaer

(England) 07 Jan 2019. Tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay inaysan waxba ka galin oo wax ka khuseyn inuu jabiyo rikoodhka halyeygii Red Devils kulanka soo socda ee Tottenham.

Solskjaer ayaa adkaaday shantii kulan ee ugu horreysay xilka Man United kaddib markii uu badelay Jose Mourinho bishii la soo dhaafay isagoo soo bar-bareeyay rikoodkii Matt Busby ee 1946-47.

Macalinka reer Norway ayaa ka sara mari kara Busby waa haddii uu guul ka gaaro Tottenham kulanka Axada ee lagu wado inuu ka dhoco gegada Wembley.

Laakiin, Solskjaer ayaa sheegay inaysan waxba ka quseen Rikoodh waqti xaadirkan.

“Waxba igama galin.

“Iminka maaha. Waxaa laga yaabaa inaan meel fariisto 20-sano kaddib si aan u eego rikoodh kasta oo aan heysto.

“Marka aan xil hayo, marna sidaas dib uma eego waxa aan sameynayo.”. 

Solskjaer ayaa cagta soo wada mariyay Cardiff City, Huddersfield Town, Bournemouth iyo Newcastle United horyaalka Premier League iyo waliba Reading uu uga soo adkaaday FA Cup, balse axada ayaa waxaa sugaya Tijaabo adag marka ay u safraan Tottenham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close