Lukaku ayaa ka QAALISAN Ronaldo, Griezmann, Pogba iyo xitaa….(Eeg Liiska 100-ka xiddiga ee ugu Qiimaha Sarreeya 5-ta horyaal ee ugu Waa wayn Yurub)

(Europe) 07 Jan 2019. Waxaa la soo saaray Liiska 100-ka xiddig ee ugu qiimaha badan kubbada cagta waqtigan waxaana yaab ah in Lukaku uu ka sarreeyo xiddigaha sida Cirstiano Ronaldo, Antoine Griezmann iyo Paul Pogba.

Waxaase taa ka sii daran in  laacibka dhawaan ku guuleystay, Ballon d’Or, Laacibka sanadka Yurub iyo waliba FIFA the Best ee Luka Modric uusan xitaa ku jirin 100-ka sare.

Qiimeynta ayaa waxaa soo saartay CIES Football Observatory ee aad ugu kuur gasha kubbada cagta.

Kylian Mbappe ee koobka adduunka la qaaday xulka Faransiiska ayaa kaalinta 1-aad ka soo galay liiska 100-ka laacib ee ugu qaalisan shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub.

Dhaliyaha Tottenham iyo xulka England Harry Kane ayaa labaad ku soo baxay, Neymar ayaa saddexaad soo galay, Raheem Sterling ayaa soo galay afaraad waxaana liiska shanta sare dhammeystiray Maxamed Saalax.

Xiddigaha reer Argentina ee kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa soo galay 6-aad halka laacibka shanta jeer ku guuleystay kubbada dahabka ee Lionel Messi laga riday kaalinta 7-aad, Lakaku ayaa sideedaad ku jira waxaana Liiska Tobanka sare soo dhammeystiray Coutinho iyo Leroy Sane.

Xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid, iminkana hogaaminaya gool dhalinta Serie A ee Cristiano Ronaldo ayaa laga tuuray kaalinta 19-aad.

EEG LIISKA 100-ka Xiddig ee ugu QAALISAN kubbada cagta adduunka ee waqtigan:

 Kylian Mbappe is the world's most valuable footballer according to CIES Football Observatory's algorithm

 Of the players in the 21-40 category, 13 ply their trade in the Premier League

 Not many would say Eric Dier is worth more than John Stones in today's transfer market

 Raphael Varane being ranked 73rd is the most shocking revelation of the top 100

 Chelsea newboy Christian Pulisic is apparently worth just £1.1m more than Arsenal midfielder Granit Xhaka

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close